Sabti, February 21, 2009(HOL): Wasiirka amniga DGPL C/llaahi Siciid Samatar oo maalin ka hor ka soo dagay garoonka Diyaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maamulka cusub iyo dawlada Yemen ay ku heshiiyeen in dagaal lala galo burcad badeedda ku sugan Xeebaha Puntland.
C/llaahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga DGPl ayaa intaasi ku daray in Sanca ay ku wada kulmeen khubarro dhanka Badda ah si loola dagaalo burcadda ,waxaana uu sheegay in dawladda Yemen ay gacan buuxda ka gaysanayso arrimaha Burcad Badeedda.
"Dawladda Yemen waxay noo ballan qaaday in ay na siin doonto qalab isugu jira hub iyo doomo nooca dheereeya ah si aan uga hortagno Burcadda"ayuu saxaafadda ugu sheegay magaalada Boosaaso.
Sidoo kale wasiirradii heshiiska soo saxiixay waxaa ka mid ah Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga General C/laahi Jaamac Ilkajiir ,waxaana mar uu saxaafadda la hadlay uu sheegay in kulamadoodi uu is-afgarad ku soo dhamaaday
Heshiiska dhex maray Puntland iyo Yemen ayaa yimid kadib markii bilo ka hor markab Yemen laga leeyahay laga sii daayay xeebaha Puntland kaasi oo ay gacanta ku dhigeen kooxo burcad badeed Soomaali ah .
Maamulka Puntland ayaa iminka dadaal ballaaran uga jira sidii uu wax uga qaban lahaa Burcad badeedda oo waqtiyadii ugu dambaysay si xawli ah ugu soo badanayay xeebaha Puntland gaar ahaan degmada Ayl oo iminka af-duub loogu haysto ilaa 15 Markab oo laga leeyahay dalal caalamka ka tirsan .
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia