Sabti, February 21, 2009(HOL): Wasiirradii uu shalay soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa maanta lagu dhaariyay guriga uu magaalada Djibouti ka degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Xafladda dhaarinta oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno aan badneyn oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo xaadiray, isla markaana la dhaariyay 32 wasiir oo ka mid ah 36 wasiir oo uu shalay soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Afarta Wasiir ee aan dhaarinta ka soo qeybgelin ayaa labo ka mid ah waxaa la sheegay in ay xanuunno ku baaqdeen, halka labo wasiir oo kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, waana Wasiirradda Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar iyo Macdanta iyo Biyaha Cabdalla Boos Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la dardaarmayay wasiirrada la dhaariyay ayaa sheegay in looga fadhiyo in ay ku shaqeeyaan Nabaddoonnimo, Askarinimo iyo Dowladnimo, wuxuuna u rajeeyay in uu xilka loo doortay uu Allaah la garab-galo.
Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta berri ah waxaa la hor-geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya oo laga rajeynayo in uu codka kalsoonida siiyo, iyadoo wixii markaas ka dambeeyana la filayo in ay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ay u soo guurto magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia