XIRIIRI QARAABADA

Cabirka Farta

Sabti, February 21, 2009(HOL): Cabdullaahi ibnu Salaam (RC) wuxuu yiri: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wax aan ka maqlo wixii ugu horreeyay waxay ahaayeen: (Dadoow salaanta qaada, raashinka quudiya, qaraabada xiriiriya, dadkoo hurdana "salaadda" tukada aad Jannada nabad ku gashaane)[1].

Abuu-Bakra, Nufayc ibnul-Xaarith (RC) waxaa laga weriyay Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Dembi qofkii galay Eebbe inu ciqaabtiisa dunida ugu soo dedejiyo tii aakhirana u dheertahay wax qaraabo goynta iyo gardarrada ka mudani ma jiraan)[2].

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Xiriiriyuhu ma aha qofka abaalguda "haddii la xiriiriyo xiriiriya", balse xiriiriyuhu waa qofka  qaraabanimadiisa haddii la gooyo isagu xiriiriya)[3].
Natiijada iyo ciribta qaraaba-goyntu hadday sidaas tahay, qofkii qaraabada xiriiriyaa isaguna wuxuu guranayaa miro aad u macaan oo adduun iyo aakhiraba uu ka helayo. Faa'iidooyinka qofkii qaraabadiisa xiriiriyaa uu guranayo aynu Axaadiithtaan ka dhex aragno.

Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay: Nin baa wuxuu yiri: Rasuul Alloow waxan leeyahay qaraabo aan xiriiriyo iyaguna igooya, aan u samafalo iyaguna ixumeeya, aan u dulqaato iyaguna aan warba ii hayn. Wuxuu markaas Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Sida aad tiri haddaad tahay waa sidii adigoo raran afka uga guraya, inta aad saas tahayna Eebbe xaggiis ayaa lagaala jiraa)[4].
 
FIIRO GAAR AH: FADLAN KUSOO BIIRI MADASHA [email protected]  OO AAN KUGU CASUUNNAY.

[1] Axmed (24193), Ibnu-Maaja (3251).
[2] Axmed (60645, 60669), Bukhaari (Al-Adab Al-Mufrad: 29), Abuu-Daa'uud (4902), Tirmidi (2511), Ibnu-Maaja (4211), Xaakim (2/356), Ibnu-Xibbaan (456).
[3] Bukhaari (5991).
[4] Muslim (2558).

Sabriye M. Musse
1865 Northway Dr. #21
North Mankato, MN 56003
U.S.A.
Email: [email protected]
Email: [email protected]