Dagaal Suuqa Bakaaraha ku dhexmaraya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda

Sabti, March 08, 2008(HOL): Suuqa Bakaaraha oo beryahan ay xaaladdiisa ammaan cakirneyd, isla markaana uusan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay gudaha Suuqa ku dagaalamayaan Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka labada dhinac dhexmaraya oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, sabab la xiriirta iyadoo Suuqa Bakaaraha uu maalmihii tegay ahaa mid haawanaya oo aaney ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo maanta ay gudaha Suuqa Bakaaraha ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in la doonayo in gudaha Suuqa looga sameeyo Saldhigyo Ciidan.

Wixii ku soo kordha Dagaalka ka socda Suuqa Bakaaraha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia