Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha

Sabti, March 08, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
 
Ciidamadan oo ah kuwo Boolis ah ayaa waxa ku sugan yihiin waddooyinka laga soo galo Suuqa Bakaaraha, inkastoo aysan dadka u diideyn in ay galaan Suuqa, isla markaana ay ka soo baxaan.
 
Ma jiraan wax iska hor-imaadyo ah oo Suuqa ka jira, xaaladdiisana waa ay degan tahay, laakin wax ganacsi ah ma jiro, waxaana jirto cabsi ay muujinayaan cabsi ay ka qabaan in ay ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ku dagaalamaan gudaha Suuqa Bakaaraha.

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha ay yihiin kuwo uu dhaqankooda wanaagsan yahay, isla markaana aan wax dhibaato ah u geysaneynin dadka gelaya iyo kuwa ka soo baxaya Suuqa Bakaaraha.
 
Ciidamadan ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in gudaha Suuqaas Saldhigyo ay ku howlgalaan looga sameeyo, iyadoo taasina ay si weyn walaac uga muujinayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo muddo labo todobaad ah aan si rasmi ah u furin goobahooda ganacsiga sababo la xiriira ammaanka Suuqa oo xumaaday.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ahaa mid ay xaaladdiisa cakiran tahay, isla markaana ay qaar ka mid ah ganacsatadii ku shaqeysan jirtay ay ka rarteen badeecooyinkooda iyagoo ganacsigooda u wareejiyay Suuqyo ka ammaan-roon Suuqa  Bakaaraha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Suuq Bacaad, Siinaay iyo Xamarweyne.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia