Dilal maanta ka dhacay Muqdisho iyo Duleedkeeda

Sabti, March 08, 2008(HOL): Dilal loo kala geystay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Nin Rayid ayaa maanta waxay ka dhaceen gudaha Suuqa Bakaaraha iyo EX-Koontarool Afgooye.

Dilka ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa geystay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Koontaroolkas ku sugnaa, iyadoo ay u geysteen nin rayid ah oo watay gaari Toyota Surf ah.

Dil kale oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo suuqaas ku sugan, kaasi oo ay si gaadmo ah u toogteen rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo askarigaasna uu ka tirsanaa Ciidamo Boolis ah oo shalay iyo maanta ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kalena, gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudaha Suuqa Bakaaraha fariisimo ka sameystay iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, kuwaasi oo ciidamada ku qaaday weerar loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia