Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku maray goobo ay ka dhaceen dagaallo oo ku yaala Xaaafado ka tirsan magaalada Beledweyne

Sabti, March 08, 2008(HOL): Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo aad u heybeysan ayaa saakay waabarigii waxaa ay gudaha u soo galeen xaafadaha Magaaladda Beledweyne si markaa ay u soo eegaan goobihii ay ku dagaalameen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Itoobiya ayaa kulamo warbixino looga dhageysanayay Saraakiisha Ciidamadda ee Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa ay ku yeesheen Saldhigga Baliiska Magaaladda Beledweyne qaar  ka mid ah hogaanka Ciidamadda Dowladda Federaalka,  iyagga oo markii danbe u gudbay dhinaca Xaafadda Howl-wadaag si markaa ay u eegaan wato la sheegeen in ay ka soo gudbeenen kooxihii soo weeraray Magaaladda.
 
Ciidamadda Itoobiya ayaa sidda wararku sheegayaan  waxaa ay kala hadleen dhinaca Saraakiisha Ciidamadda Dowladda in laga sameeyo Xerooyin Malatari meelo ka baxsan Magaalada Beledweyne si markaa loola socdo dhaq-dhaqaaqa jira loogana fogaado in mar kaliya la arko kooxo hubeysan oo ka dhax dagaalamaya gudaha Magaaladda.
 
Dhinaca kale Ciidamadda Dowlada Federaalka ayaa howl-galo ay ka sameeyeen Mgaaladda Beledweyne waxaa ay ku soo qab qabteen dad sidda la sheegay loo maleynayo in ay ka qeyb-qaateen weerarkii habeen hore lagu soo qaaday Magaaladda Beledweyne, waxaana sidda uu sheegay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed qaar ka mid ah dadka la xiray ay si toos ah ugu lug la haayeen dagaalkii dhacay inkastoo aan haddana dadkaasi la soo taagin wax Maxkamad ah oo ku cadeysay wax yaabaha lagu eedeynayo.
 
Si kastaba arintu ha ahaatee, waxaa la oran karaa Dagaalkii ku dhaxmaray gudaha Magaaladda Kooxaha hubeysan iyo Ciidamadda Maamulka waxaa uu sameyn ku yeeshay Nolasha dadka, gaar ahaan xiligga habeenkii oo inta badan goobaha ganacsigga Fiid hore Albaabadda laysugu dhufto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia