Sabti, March 08, 2008(HOL): Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray C/kaafi Shaaweye ayaa la sheegay in ay toogteen kooxo hubeysan oo ku sugnaa Degmada Mahadaay, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Sarkaalkan la dilay oo la sheegay in uu ka tegay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu booqasho ugu socday eheladdiisa oo ku sugan Degmada Mahadaay oo markii uu gaaray lagu dilay.
Dhawaanahan ayaa waxaa soo kordhayay dilalka loo geysanayo saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhawaan ayayna ahayd markii Muqdisho lagu dilay Jen. Cabdi Kaahiye Harag-Shabeel oo ahaa Sarkaalkii Usha u hayay Kooxda Muusikada Baambeyda ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ay gurigiisa hortiisa ku toogteen kooxo hubeysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia