Degmada Xudur oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah

Sabti, March 08, 2008(HOL): Wararka laga helayo degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo ay maalmihii ugu dambeeyay gacanta ku hayeen xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee ciidamada xambaara ayaa waxay si nabad ah ku tageen degmada Xudur, iyadoo aysan jirin cid kala hortimid dagaal, waxaana ciidamadu ay degeen bartamaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku dileen duleedka Xudur wiil dhagoole ah oo uu dhalay Sheekh Cali oo ah Imaamka guud ee Masjidka Degmada Xudur, taasna aad looga xumaaday.

Xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa labadii casho ee la soo dhaafay degmada Xudur ayaa waxay isaga baxeen halkaas xalay, iyagoo aan la garanayn goob ay abaareen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay weli ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Ciidankan ayaa waxaa la socday Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall oo labadii casho ee ay ku sugnaayeen halkaas Al-shabaab dibadda uga maqnaa magaalada, wuxuuna la hadlay dadka deegaanka markii degmadaas gaaray, isagoo sheegay inuu dib ugu soo laabtay Xudur.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia