Maalinta Haween waynaha Somaaliyeed oo laga xusay Qaar ka mid ah Gobollada Dalka Somalia

Sabti, March 08, 2008(HOL):Maalinta Haweenweynaha Dunida oo ku beegan 8-da Maarso ayaa maanta laga xusay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, waxaana xaflado lagu maamuusayay maalintan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya ku yaala.

Hay'adda COGWO ayaa waxay soo agaasintay xaflad weyn oo lagu maamuusayay maalintaas, waxaana sidoo kale xaflad taas la mid ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska lagu qabtay guriga Haweenka  ee Muqdisho.

Mas'uuliyiintii ka hadlay xafladahaas lagu xusayay maalinta haweenka ayaa waxay dhammaantood isku raaceen in haweenka dhibaatooyin xad dhaaf ah loo geysto, iyagoo taasna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan ragga oo aan u quureynin sida ay sheegeen kaalintooda Dadnimo.

Sidoo kalena, Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne iyo Jowhar ayaa waxaa laga xusay maalinta Haweenka ee 8-da Maarso, waxaana xubnihii ka hadlay xafladahaas ay isku af ka noqdeen tacaddiyo ay sheegeen in loo geysto Haweenka Soomaaliyeed oo qaarkood ay dhabarka u riteen mas’uuliyadda qoyskooda kadib markii ay raggooda noqdeen kuwo aan wax shaqo ah heynin.

Dhanka kalena, Haween isugu jiray Xildhibaanno iyo kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha haweenka ayaa waxaa maanta loo diiday inay xaflad ku qabsadaan xarunta baarlamaanka ee Baydhabo, iyagoo sheegay inuu is-hotaag ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka mid ah haweenkii loo diiday inay xafladda maalinta haweenka ku qabsadaan Xarunta Baarlamaanka ee ADC-da ayaa waxay sheegtay inay taas aad uga xumaadeen haweenkii xafladda ka qaybgalayay iyadoo sheegay in haween badan ay la ilmeeyeen sida loo liiday.

Waddoooyinka waa weyn ee Baydhabo ayaa waxay haweenka loo diiday inay xafladda qabsadaan ku mareen socod cabasho ah, waxaana ay sheegeen inay ka xun yihiin sida loola dhaqmay, iyagoo xaflad gaaban ku qabsaday markii dambe xarunta maamulka Degmada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia