Warbixintii ugu dambeysay ee shirka Jabuuti

Cabirka Farta

Jabuuti, Hiiraan Online
June 01, 2008

Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta ka furmay magaalada jibuuti ee xarunta u ah waddanka Jibuuti saminaar gogol xaar u ah shirka dib e heshiisiinta Soomaalida ee ay ka qeyb qaadanayaan dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya .
 
Saminaarka ayaa waxaa la qoondeeyay in ay si wadajir ah uga soo qeyb galaan wufuudda wadaxaajooneysa ,ururrada bulshada rayidka soomaaliya wafti ka socda oo maalmahan booqasho ku joogay waddanka Jibuuti ,iyo beesha caalamka oo ay Qaramada midoobay hogaamineyso.
 
Saminaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in looga hadlo xaaladda biniaadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo siyaabaha loo daweyn karo mashaakilkaasi waxaana loo diyaariyay in ay casharro ka bixiyaan khubaro beesha caalamka ka socota.
 
Inkastoo aqoon isweydaarsigan aanu hakan oo uu furmay fikrado kala duwanna leysku weydaarsay ayaa haddana waxaa ka maqnaa oo aan soo xaadirinba waftigii ka socday Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo qoonsaday qaabka loo qoray jadwalka saminaarka, iyo wafdiga ururrada bulshada rayidka Soomaaliya oo iyagu hoolka soo fariistay hase yeeshee markii ay ka warheleen in mucaaradku ay fadhigan qaaddaceen iyaguna ka dareeray goobta uu saminaarku ka furmay.
 
Sidaa daraadeed waxaa ku baaqi noqday oo kaliya goobta saminaarku uu ka soconayay waftiga dowaladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Axmed C/salaam wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga iyo wufuuddii ka socotay beesha caalamka .
 
Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmado Wald Cabdalla ayaa durbadiiba waxa uu qabtay shir Jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo Maqnaashaha waftiga mucaaradka iyo sababaha dhaliyay.
 
Wald cabdalla waxa uu qiray in arrintaasi ay ku timid qalad ka dhacay xog-haynta Qaramada Midoobay ee shirka gacanta ku heysa ,kaasoo sida uu sheegay ugu dambeyntiina keenay in fahan waa yar oo sababay in waftiga Mucaaradku ay aqoon isweydaarsiga ka maqnaadaan.
 
Waxa uu sheegay in haatanba uu la xiriiray masuuliyiinta isbaheysiga qarkana loo saaran yahay in la dhameeyo is maandhaafkaasi yarka ah waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo intaasi ku daray in barritaba ay howlaha shirku si caadi ah halkoodii uga sii socon doonaan.
 
Waxaa kaloo wald Cabdalla uu xusay in waftiga ka socda golaha amaanka ee iman doona dalka jabuuti ay berrito kulamo kala gooni gooni ah la qaadan doonaan wufuudda shirka ka qeyb qaadaneysa iyo waftiga ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti.
 
Inkastoo Axmado wald cabdalla uu sheegay in Mucaaradku ay ka tanaasuleen shardigoodii ahaa inaanay si fool kafool ah u hor fariisan doonin waftiga dowladda , ayaanay haddana ilaa iyo haatan caddeyn in qodobkaasi uu gabi ahaanba meesha ka baxay.
 
Dhinaca kale waxaa duhurnimadii manta kazoo dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Jibuuti Madaxweynaha dowladda Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafti uu hor kacayo oo heer wasiirro iyo xildhibaanno ah.
 
Madaxweynaha umaanu imaan dalka jabuuti inuu ka qeyb qaato wadxaajoodka Dowladda iyo Mucaaradka hase ahaatee waxa uu u soo booqday Jabuuti inuu kula kulmo guddiga ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee iyagu saacadaha soo socda Jabuuti soo gaari doona.
 
Madaxweynaha ayaa waxaa la dajiyay Hotel Kempniski  ee waddanka Jabuuti kaasoo ay horay usii daganaayeen labada Wafti ee isbaheysiga iyo dowladda Soomaaliya, waxaanay wada fadhiyaan goobo ay iska arki karaan iyagoo aanu dhex mareyn wax hadal amaba gacan qaad ah.

Hiiraan Online
Jabuuti