Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Swedan oo Deeq la cageed soo gaarsiiyay dad ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Sanadihii ugu danbeeyay marka la eego dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dabadiisa waxaa ay ahaayeen kuwo intooda badan siweyn ula socda dhibaatooyinka kala duwan ee heysta qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida ah ee ku nool gudaha dalka haba ugu darnaadeen kuwa ka barkacay Deegaanadii ay ku noolaayeen ama kuwa ku Agoontoobay Dagaaladii ka dhacay dalka ee nolol xumadu la soo daristay.
 
Gobalka Hiiraan oo ka mid ah meelaha ay soo gaareen  Dadka soo barkacay iyo kuwa Agoonta ah ee waalidkood dhinteen ayaa dhawaan waxaa deeq Lacgeed soo gaarsiiyay Gabdho Soomaali ah oo ku Nool dalka Swedan kuwaa oo deeqda u soo mariyay C/laahi Xiirey Hagar oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Shirkada Kaah ee Gobalka Hiiraan.
 
C/laahi Xiirey ayaa HOL u sheegay in Deeqda oo gaareysay ilaa 500 $ Doolar la gaarsiiyay ilaa 26 ruux oo lagu soo xushay marxalada ay ku nool yihiin, waxaana uu intaa ku daray in dadkaasi isugu jireen kuwo ka tirsan Qoysaska soo barkacay iyo waliba dad Agoon ah dhibaato dhibaato dhinaca nolasha ah la soo daristay, isaga oo  intaa raaciyay in talaabada ay qaadeen Gabdhaha Soomaaliyeed la oran karo waxaa ay aheyd mid tijaabo ah oo waliba ku dasho mudan.
 
Dadka iyagu helay Deeqda Lacagta ah oo qaarkood ay la kulantay HOL ayaa siweyn ugu farxay in ay soo gaarto lacag ka timid dad Soomaali ah oo aysan waligood arag, waxaana ay qaarkood sheegeen in aritani ay muujineyso sida looga warqabo dhibaatada ku heysta goobaha ay ku nool yihiin, lakiin hadana marka dhinaca kale la eego waxaa muuqneysa in dadkaasi baahidoodu tahay mid aan fari ka qodneyn.
 
Qadro Xuseen Calsow, Farxiyo Nuur iyo Leylo Daa'uud oo iyagu ka mid ah Gabadhaha soo dhiibay Deeqda lacagta ah ayaa sheegay in wali ay ku howlan yihiin uruurinta kaalmo loogu tala galay dadka tabaaleysan, gaar ahaan kuwa ka hayaamay hoygii ay ku noolaayeen oo ah marka la eego kuwa ugu badan ee dhibaatadu heysato.
 
Agoonta oo ka mid ah dadka wax ka helay kaalmada aan badneyn ee la soo diray ayaa waxaa ay ka mid yihiin kuwa dhibaatada dhinaca Nolasha ah ay la soo daristay kadib markii ay meesha ka baxeen hay'adihii sida gaarka ah u caawin jira.
 
Isku gar-gaarida dadka Soomaalida ah ee ku kala sugan dibada iyo gudaha dalka ayaa waxaa ay dareen aan yareyn ku abuurtay dad badan oo u arka arintaa mid meesha ka saareysa in Soomaalidu ku  xirnaato mar walba kaalmo ay soo diraan dad shisheeye ah sida Deeqaha aan badneyn ee hay'adaha Samafalku siiyaan dadka dhibaateysan.
 
Sikastaba ma'aha markii ugu horeysay oo deeq noocan oo kale ah la soo gaarsiiyo dadka soo barkacay ee ku nool Gobalka Hiiraan, lakiin waxaa la oran karaa waa markii ugu horeysay oo laga qeybiyo Gobalka Hiiraan deeq lacageed oo ay soo direen dad iyagu ku nool dalka Dibadiisa.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia