Axad, June 01, 2008(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo ka hadlayay madaafiic hoobiyayaal ah oo xalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in ay ganacsato ahaan aad uga xun yihiin in mar kasta oo weerar lagu qaado Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay madaafiic ku weeraraan Suuqa Bakaaraha.
“Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka mar kasta oo la weeraro waxay madaafiic ku garaacaan Suuqa Bakaaraha oo ah meel ay Dad masaakiin ah ku ganacsadaan, arrintaas waa mid aan si weyn uga xunnahay”ayuu yiri Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo intaas ku daray in xalay ay Suuqa Bakaaraha ku dhaceen ku dhawaad 10 Madfac, walow uu ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha ay geysteen.
“Suuqa Bakaaraha waa meel ay ku ganacsadaan Dad Masaakiin ah, mana laga weeraro Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, marka waxaan la yaabannahay waxa mar kasta oo ay dagaallo dhacaan Suuqa Madaafiicda loogu weeraro”ayuu mar kale Cali Dheere.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay Ciidamadeeda iyo Ciidamada Itoobiya ay kala hadasho in Madaafiicda laga daayo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Suuqaas uu yahay mid ka caagan dagaallada.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaysan ahayn markii ugu horeysay oo madaafiic lagu garaaco, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo madaafiic lagu garaacay, isla markaana ay madaafiicdaas sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Dad isugu jiray kuwo Suuqa u shaqo tegay iyo kuwo ku sugnaa guryahooda oo Suuqa iyo hareerihiisa ku yaala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia