Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta u amba baxaan Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.
 
Madaxweynaha ayaa wuxuu Dalka Jibouti u tegayaa in uu la kulmo Xubno ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo arrimo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya u jooga Dalka Jibouti.
 
Sidoo kalena, Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dalka Jibouti waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Dowladda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay isla soo qaadaan arrimo ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba xiriirka labada dal.

Shirka ay Dalka Jibouti ku yeelanayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Xubnaha ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Djibouti ay ka socdaan Wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay oo xal loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia