Axad, June 01, 2008(HOL): Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wuxuu ka hadlay wejiga labaad ee wada hadallada loogu kala dab-qaadayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysigooda, wuxuuna sheegay in ay wada hadallada ugu bilowdeen sidii ay ugu socdeen wejigii koowaad.
C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sheegay in ay xalay wada hadallo la qaateen Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, wuxuuna sheegay in ay sii amba qaadeen wada hadallo horay ugu socday oo ku saabsan xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay C/raxmaan C/shakuur waxyaabaha ay mowqif ahaan wada hadallada ku gelayaan waxaa uu sheegay in uusan weli waxba iska bedelin mowqifkoodii hore ee ahaa in Ciidamada Itoobiyaanka laga saaro Soomaaliya.
Wuxuu rajo ka muujiyay in lagu guuleysan karo in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay shirkan daneyneyso Qaramada Midoobay oo Suuriya ka saartay Lubnaan, sidoo kalena Ruwanda iyo Uganda ka saartay Congo, “Haddii uu UN-ka arrintaas qaraar ku soo saaro Ciidamada Itoobiyaanka waa laga saari karaa Soomaaliya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
“Marka lagu guuleysto in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya Dadka Soomaaliyeed waa heshiin karaan, xalna wey ka gaari karaan khilaafaadyada u dhaxeeya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo intaas ku daray in markaas kadib ay macquul tahay in ay Dadka Soomaaliyeed dhistaan Dowlad loo wada dhan yahay oo sida uu u yiri ay banaanka ka yihiin Dadka Dembiyada ka galay Soomaaliya.
Dhanka kalena, Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee shirkan ka soo horjeeda ayaa wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid aanan khuseynin, isla markaana ay horay u soo saareen mowqifka ay ka aaminsan yihiin, isagoo farta ku fiiqay in xubnaha Shirka Jibouti ka qeybgelaya ay yihiin kuwo Isbaheysiga la soo cararay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia