Axad, June 01, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo maanta u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay shirka ay Jibouti ku leeyihiin dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Abuu Mansuur wuxuu sheegay in aysan jirin cid shirkaas ka joogta, wuxuuna caddeeyay in aysan wax shaqo ah ku lahayn, “Shirkaas waa mid ujeedooyinka laga leeyahay ay yihiin kuwo aan ognahay iyo kuwo uu Alle ogyahay, waxaana waxyaabaha aan ka ognahay ka mid ah in lagu kala qeybiyo halganka ka socda gudaha Soomaaliya ee looga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya”ayuu yiri Abuu Mansuur.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan sida uu u yiri halganka ay ugu jiraan xoreynta Dalka Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena Shacabka Soomaaliyeed uga digay in lagu qaldo shirkaas.
Abuu Mansuur ayaa mar sii horeysay oo uu ka hadlayay Warbaahinta Muqdisho waxaa uu sheegay in aysan aaminsaneyn in wada hadal lagu saaro Ciidamada Itoobiya, “Itoobiya xoog ayay ku soo gashay, hadana xoog ayaan uga saareynaa Soomaaliya ee baryo kuma baxeyso”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo intaas ku sii daray in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan.
Waa Sarkaalkii ugu horeeyay oo ka tirsan Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo si cad u sheega in aysan shaqo ku lahayn shirka ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia