Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo qaadacday ka qeybgalka Dood Cilmiyeed lagu furi lahaa Wejiga labaad ee Wada hadallada Jibouti

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Dood Wadaaggan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu casuumay ergooyinka Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxaase saaka ka qeybgalay kaliya Ergada Dowladda Federaalka iyo tan Bulshada Rayidka oo waqti kooban joogtay madasha Doodda.

Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa sababta ay uga baaqsatay ka qeybgalka Dooddaas waxay ku sheegtay in aaney u imaanin Jibouti in ay Dood wadaag ka qeybgasho balse ay tahay waxa ay sugayaan in laga hadlo sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya.

Markii ay ergada Isbaheysiga ka baaqsatay Dooddaas, isla markaana ay madashii Dooddaas ka baxday Ergadii Bulshada Rayidka ayaa waxaa isu soo haray Ergadii Dowladda Federaalka iyo Khubarradii UN-ka ee Doodda soo qaabeeyay, kuwaasi oo ka dooday sida gargaar loogu fidin karo Dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa shir jaraa’id qabtay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo sheegay in sababta ay u baaqdeen Ergada Isbaheysiga ay la xiriirto qalad farsamo oo ka dhacay dhinaca Qaramada Midoobay, wuxuuna ballanqaaday in ay qaladkaas saxayaan, wada hadalladana la guda geli doono.

Dajire Ould-Abdallah waxaa uu intaas ku daray in Xubnihii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka socday ay ka soo baxeen Magaalada New York, isla markaana ay Jibouti soo gaari doonaan ilaa maalinta berri ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in miro wanaagsan ka soo baxaan wada hadallada loo qabtay dhinacyada Soomaalida.

Ugu dambeyntiina, waxaa uu sheegay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in mar kasta oo wax la bilaabayo lagala kulmo dhibaato iyo qaladaad balse wuxuu sheegay in wada hadallada ay bilaabeen ay yeelan doonaan dhamaad wanaagsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia