
Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War kaso baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in howlgalka lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay dagaalamayashii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh xubnaha kale ee la socday.
"Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Al-Shabaab ee baxsaday, si loo ciribtiro hadhaadigii ay ka tageen." ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya.
"Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan" ayay wasaaradu hadalkeedi sii raacisay.
Ugu dambeyn, Warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.
