
Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa sheegay in Somaliland aanay wax aqoonsi sharci ah ka helin Israel, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay arrin la xiriirta aqoonsi.
Fahad Yaasiin ayaa ku dooday in waxa la shaaciyey aanu ahayn go’aan sharciyeed oo ay meel mariyeen hay’adaha dowladeed ee Israel, sida golaha wasiirrada ama Knesset-ka, balse uu yahay hadal siyaasadeed oo shaqsi ah.
Wuxuu intaa ku daray in waxa uu Madaxweyne Cirro ku tilmaamayo “aqoonsi” aanu ka badnayn cinwaan warbaahineed iyo warbixin wariye diyaariyey, isla markaana uusan lahayn sal sharci iyo mid dowladeed.
"Mashxaradda ka dhacaysa Cirro, iyo Taageerayaashiisa waxay heleen waa saxiixa Netenyaahu oo ah go’aan siyaasadeed iyo dikreeto maamul oo kaliya ah. Hoggaanka Netenyahu hadduu is baddalo ama xaaladda gobolka wax ku soo kordhaan, warqad kale oo dikreeto ah ayaa lagu burin kaa ama in laga aamuso oo aanan lagu dhaqmin ayaa ku filan. " ayuu qoraalkii oo baraha bulshada ku faafiyay ku yiri Fahad Yaasiin.
Ugu dambayn, Fahad Yaasiin ayaa uga digay bulshada Somaliland in lagu khiyaaneeyo xayeysiin siyaasadeed, isagoo xusay in go’aan kasta oo aan sharci ku dhisnayn uu si fudud u baaba’i karo marka hoggaanku is beddelo.