
Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta lala eegtay qarax miino xilli uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Jiiro Carmoole, oo u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha.
Sida wararku xaqiijinayaan, qaraxa ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkii kolonyada galbinayay madaxweynaha.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu ka badbaaday qaraxa, islamarkaana uusan wax dhaawac ah soo gaarin, Hase yeeshee, qaraxa ayaa sababay khasaare isugu jira dhaawacyo soo gaaray xubno ka mid ahaa wafdiga la socday.
Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhaawacmeen Yuusuf Guudlaawe, oo ah wiil ay walaalo yihiin madaxweynaha, iyo Gaashaanle Sare Maxamuud Xuseen, oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in askar iyo saraakiil kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabeelle, Maxamed Nuur Shuuriye, oo ka mid ahaa wafdigii la socday Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: "Alle ayaa mahad leh, caafimaad iyo soo kabasho ayaan u rajeynayaa saaxiibada gaariga nala saarnaa."
Ciidamada ammaanka ayaa durba xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay falkaasi, halka xaaladda amni ee waddada Jowhar iyo garoonkuna ay si weyn loo adkaatay.
Wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan, indhaha ku haay Mareegteeni.