
Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si adag u caddeeyay mowqifka kama dambaysta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay faragelin kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida, midnimada iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan fagaaro ah oo uu kula hadlayay qaar ka mid ah hal-doorka, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto dhammaan falalka iyo dhaqdhaqaaqyada liddi ku ah madax-bannaanida Qaranka, isagoo xusay in faragelinta lagu eedeeyay Israa’iil ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbaya sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in dal shisheeye uu ku xadgudbo dhul, bad ama hawada dalka, isaga oo tilmaamay in Dowladda ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo kuwo amni ee lagama maarmaanka u ah difaaca Qaranka.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta amniga, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, cid kasta oo ku xadgudubtana waxa ay wajihi doontaa jawaab waafaqsan xeerarka Qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Dowladda, kana fogaadaan wararka marin-habaabinta ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in midnimo qaran ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu difaaci karo jiritaanka iyo madax-bannaanida Soomaaliya.