Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyey magacyada xubnaha kusoo baxay doorashooyinka goleyaasha deegaanka Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u baahiyey magacyada xubnaha ku soo baxay goleyaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kaddib doorashooyinkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii bishii hore.

Sida ay guddigu sheegeen, urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay tirada ugu badan ee xubnaha goleyaasha deegaanka, isagoo ku guuleystay 177 xubnood.

Ururka siyaasadeedka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Saakir Cali Xasan, hoggaamiyihii hore ee Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe, ayaa isna helay 49 xubnood, halka ururka Ramaas uu noqday kan saddexaad ee ugu codka badan, kadib markii uu helay 42 xubnood.

Degmooyinka Wartanabadda, Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa, Dharkenley, Wadajir, Hodan, Dayniile iyo Howlwadaag ayaa mid kasta ka soo baxay 27 xubnood oo gole deegaan ah, maadaama ay ka mid ahaayeen degmooyinka A-da ah.

Dhanka kale, degmooyinka Boondheere, Shibis, Shangaani, Xamar-weyne, Waaberi, Xamar-jajab iyo Cabdicasiis ayaa mid kasta ka soo baxay 21 xubnood oo gole deegaan ah, kuwaas oo loo aqoonsaday degmooyinka B-da ah, sida horay uu guddigu u shaaciyey.

Guud ahaan, 390 xildhibaan oo gole deegaan ah ayaa lagu dhawaaqay, kuwaas oo 291 ka mid ah ay yihiin rag, halka 99 xubnood ay dumar yihiin.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ay xubnaha goleyaasha deegaanka degmo walba u dooran doonaan guddoomiyeyaasha, guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayeyaasha degmooyinka.