Ururka Iskaashiga Islaamka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, January 2, 2026 (HOL) - Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay xaruntiisa magaalada Jeddah, si looga hadlo xaaladda Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.

Hadallo uu ku metelayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Yousef Al Dubaie, Xoghayaha Guud ee OIC, Hissein Brahim Taha, ayaa adkeeyay in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yihiin mabda’ adag oo aasaasi ah, isla markaana aan marnaba la gorgortami karin ama laga tanaasuli karin, sida ay werisay News.Az.

Waxa uu sheegay in kulanku ku soo beegmay xilli xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya wajahaysa caqabado adag oo saameyn ku leh amnigeeda, xasilloonideeda iyo madax-bannaanideeda, taas oo muujinaysa mas’uuliyad wadareed oo ah in la kordhiyo dadaallada, la mideeyo safafka, isla markaana si wadajir ah loo taageero dowladda federaalka Soomaaliya.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradiisa buuxda ee aan leexleexadka lahayn ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay xaqa aan laga qaadi karin ee ay dalka u leedahay ilaalinta midnimadiisa qaran, madax-bannaanidiisa iyo wadajirka dhuleed.

Sidoo kale, ururku wuxuu si cad u diiday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu soo rogo xaqiiqo siyaasadeed oo cusub, taas oo wiiqi karta xasilloonida gobolka isla markaana khatar gelin karta amniga Geeska Afrika.