5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2014
Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Guriceel oo ay isaga baxday Ahlusunna


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidammo kala taageersan dowaldda Somalia iyo Ahlu-sunna kala taageersan.

Xaalada degmada Guriceel ayaa deggen kaddib markii ciidamada dowladdu ay si nabad ah kula wareegeen halkaas, kaddib markii ay xoogaggii ururka Ahlusunna Waljamaaca isaga baxeen degmadaas iyadoo aanu wax dagaal ah dhicin.

La wareegidda ay ciidamada dowladdu la wareegeen degmada Guriceel ayaa imaanaysan kaddib markii halkaas laga saaray ciidamada dowladda Jimcihii hore, kaddib markii ay isku dhaceen xoogagga Ahlusunna.

Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa sheegaya in xoogaggii Ahlusunna ay labo jaho uga baxeen degmada, iyadoo qayb ka mid ah ay aadeen dhinaca deegaanka Xeraale oo ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta Ahlusunna qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daray in qaybtii kale ee xoogagga Ahlusunna ay aadeen iyaguna deegaanka Geri-jir oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan, dhinaca galbeedna kaga beegan qiyaastii 60-km degmada Guriceel.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay dagaallo dhawaan ka dhaceen degmooyinka Guriceel iyo Dhuuso-mareeb inkastoo ay xaaladahoodu deggen yihiin, waxaana labada degmo gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Somalia iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo mas'uuliyiin u hadlay dhinacyadan ay horay u sheegeen in aanu jirin wax colaad ah oo u dhexeysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya