Mas'uuliyiin ka kala tirsan Puntland & Jubba oo kula ku yeeshay Addis Ababa


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la kulmay madax ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo waliba maasuuliyiin matalayay maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxaa masuuliyiinta uu la shiray kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Juba Cabdulaahi Ismaacil Farataag iyo xubno kale oo muhiim ah oo maamulkaas ka tirsan, waxayna ka wadahadleen arimo ku aadan kor-u qaadista xiriirka labada dhinaca sida la sheegay.

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ayaa la sheegay in kulankan uu kaga qayb-galay qadka taleefanka, iyadoo masuuliyiintii shirka ka qayb-galay ay beeniyeen warar sheegaya in labada dhinac xiriirkooda uu yahay mid aan wanaagsanayn.

"Dano badan ayaa jira oo isaga xiran dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira waana muhiim in si joogta ah loo wada shaqeeyo "ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Somaliya Mahad Cawad Cabdala oo la hadlay warbaahinta.

Ugu danbayn, mad-madowga soo kala dhex galay maamulada Puntland iyo Juba ayaa la sheegay in uu ka dhashay murankii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa madaxweynihii Somaliya iyo raysul-wasaare Cadbdi wali oo codka kalsoonida waayay horaantii bishan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]