Al-shabaab oo Weerartay Fariisimo Ciidan oo ku yaalla Warmaxan iyo Tixsiile


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaaday weerar saakay ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo fariisimo ku lahaa Tixsiikale iyo War-maxan oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyne ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ciidamada dowladda iyo Al-shabaab dhexmaray ayaa socday sida la sheegay muddo hal saac ah, iyadoo Al-shabaab ay guulo ka sheegatay dagaalkaas, inkastoo aanay weli dowladda Soomaaliya ka hadlin.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in saaka aroortii ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaanadaas ayna ku gubeen saddex gaari oo kuwa dagaalka ah.

“Mujaahidiintu saaka aroortii waxay dagaal kula jarmaadeen fariismo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxayna ku guuleysteen inay goobahaas la wareegaan ayna dilaan toddoba ka mid ah ciidamadii fariisimahaas ku sugnaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xoogaggooda ay xilli dambe isaga baxeen, balse ma sheegin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray dagaalkaas oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inuu ahaa mid culus.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay saraakiisha dowladda Somalia oo ku aadan dagaalka, sidoo kalena ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, balse waxaa jirta in wararka ay sheegayaan in dadka dhintay uu ku jiro taliyihii ciidamada la weeraray.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay ku hanjabtay inay weerarro la beegsan doonto deegaannada uu ka taliyo maamulka Koonfur-galbeed ee madaxweynaha loogu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hanjabaadda Al-shabaab ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ballanqaaday inuu la dagalaamayo Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya