
Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti oo safar ku jooga dalka Turkiga ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay la bixi doonin illaa inta ay Soomaaliya cagaheeda isaga taagayso.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga in dalkiisa ay 1,000 askari ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo AMISOM qayb ka ah, wuxuuna intaas ku daray inay qorsheynayaan inay 1,000 askair oo kale ku biiriyaan.
“Waxaanu doonaynaa in Soomaaliya ay nabad noqoto… waayo Jabuuti ma noqon karto meel nabdoon illaa Soomaaliya ay xasisho,” ayuu yiri Yuusuf oo intaas ku daray. “Ma doonayno inaan ciidamadeenna ka saarno Soomaaliya illaa ay cagaheeda isaga taagto.”
Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, iyagoo dagaallo adag la galay xoogagga Al-shabaab oo weli gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobolkaas.
“Maadaama aan IGAD ka tirsannahay, Jabuuti waxay dareensan tahay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay in gobolka oo dhan uu nabad noqdo,” ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.
Yuusuf oo sii hadlaya ayaa intaas raaciyay in urur-goboleedka IGAD uu gacan ka siiyay Soomaaliya sidii ay dowlad u yeelan lahayd, haddana ay ku jiraan sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisadaha ka taagan dalka Sudan iyo dalka kale ee Koonfurta Suudaan.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay qorshahaha dagaal ee ay argagaxisada kukla jiraan ayuu sheegay in Jabuuti oo garabsanaysa beesha calaamka ay diyaar u tahay inay ka hortagto argagaxisada gobolka ka jirta.
“Natiijada muuqata, kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab hadda waa laga adkaaday… waxaana qorshuhu yahay in Somalia oo dhan laga saaro,” ayuu mar kale yiri Maxamuud Cali Yuusuf.
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Howlgalkeennu ma ahan mid Somalia oo keliya ku siman, balse waxaan howlo nabad-ilaalin ah ka wadnaa dalal ay ka mid yihiin Ivory Cost, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Koonfurta Sudan iyo kuwo kale.”
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay ku ammaanayaan in ay kaalin weyn ka qaadatay caawinta Soomaaliya, isagoo yiri. “Turkigu xiriir taabbo-gal ah ayuu la sameynayaa Afrika.”
Yuusuf ayaa xusay in markii uu ra’iisul wasaarihii Turkiga oo madaxweynaha dalkaas ah hadda, Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku tagay Soomaaliya ay keentay in siyaasiyiin badan oo caalami ah ay booqdaan Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya