
Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa afar qof oo la kala haystay kala wareejiyay maanta kuwaasoo lagu kala haystay deegaannada gobolka Mudug ee ay labadan maamul ka kala taliyaan.
Afartan ee maxaabiista la isdhaafsaday ahaa ayaa saddex ka mid ah waxay kasoo jeedeen dhinaca Puntland, halka qof kalena oo ahaa ganacsade lagu riday xukun maxkamadeed oo kasoo jeeday dhinaca maamulka Galmudug ayaa lagu magacaabaa C/risaaq Xuseen Tahliil.
Wararka ayaa sheegaya in C/risaaq oo ahaa ganacsade ayaa waaxa horay dil toogasho ah ugu xukuntay maxkamadda magaalada Garoowe, kaddib markii maxkamadu ay sheegtay inuu ka tirsan yahay saraakiisha Al-shabaab ee ka howlgala deegaannadooda.
Ehellada ganacsade C/risaaq Xuseen ayaa xukunka kaddib dad rayid ah ka soo afduubtay dhinaca deegaannada Puntland, taasoo keentay in maanta lagu guuleysto ganacsadaha lasii daayo, saddexdii qof ee afduubka loo haystayna lasii daayo.
C/naasir Jaamac Seed oo ka mid ah waxgaradka golbolka Mudug ayaa kula taliyaya labada maamul inay ka shaqeeyaan sidii nabadda loo adkeyn lahaa si aysan u soo noqon dhibaatooyinkan oo kale.
“Maamullada Galmudug iyo Puntland iyo shacabkaba waxaan ugu baaqayaa in wax walba oo la kala tabanayo wadahadal lagu dhameeyo si aysan u soo laaban afduubyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan loo geysto,” ayuu yiri Seed.
Ugu dambeyn, waxgaradkan ayaa ku baaqay in xilligan aysan jirin shacab ay labada dhinac kala haystaan, uuna ku talinayo in laga shaqeeyo sidii gobolka nabad loogu wada-noolaan lahaa, loogana hortegi lahaa falalka afduubyada ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya