Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta dhoolotus balaadhan ka dhigay magaaladda Hargeysa, waxaanay si diiran ugu soo dhoweeyeen magaalada musharaxa xisbigaasi ee xilka madaxweynaha, Jamaal Cali Xuseen oo muddo dibadda ku maqnaa.
Boqolaal ka Mid Ah tageerayaasha xisbiga UCID ayaa Caleemo Qoyan iyo astaanta UCID kusoo dhaweeyey Musharaxa ka dibna xarunta dhexe ee xisbiga loogu sameeyey barnaamij balaadhan oo loogu soo dhoweynayo.
Taageerayashan aadka u badan ayaa marka ay marayan madaxtooaydda agteedda ciidanka booliska hor istaageen si aanay u hormarin jidka madaxtooyadda, taas oo isku dhici gaadheen taageerayaasha iyo ciidanka amniga, haseyeeshee markii dambe taageerayaasha oo uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen ayaa aqballay go’aankii Ciidanka ka dibna wadadda ka sokeeya si wanaagsan usoo maray.
“Waxaan idin leeyahay dalkii fowdo ayaa ka jirta halkan, ciidan ayaa la isku adeegsanayaa waxaana la ii-diiday inaan soo maro madaxtooyada horteeda waana nasiib-darooyinka ay xukuumadani wehelka dhigatay inta ay Talada dalka haysay,Waxaan leeyahay Maantadaas laga bilabo Noogu soo hagaaga Wixii aad samayn Jirtay Madaxwayne.”ayuu yidhi Jamaal oo ka hadlayey jidka madaxtooyada horta ee loo diiday.
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay Suldaanka ciidanka lagu saaray ayaa yiri. “Ciidankii Somaliland waa ciidan sharaf iyo karaamo leh mana ah in ciidankaas loo Adeegsado Falal amniga lid ku ah, madaxwayne waxaan ku leeyahay u yeer Suldaanka waana suldaankaagii ee tabashadiisa hoos u eeg, waad og-tahay xildhibaannadii golaha deegaanka Berbera in xaruntoodii lagu dhirbaaxay,Maantana waad arkaysaan in Ciidanku Xidheen xildhibaanadii Golaha Deegaanka Boorama waana ayaan Daro”.
Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID, C/rashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in xukuumadani ay cadaadis wayn saartay xisbiyadii mucaaradka ahaa ciidan u adeegsatay haday taageeradood muujiyaan.
“Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo jidadka. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan xildhibaanadii bulshadu dooratay oo iyagoo aan xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Si kastaba ah ahaatee, xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa mar kasta oo madaaradda ka soo degayaan loo diida inay taageerayaashooddu soo galaan madaaradda, taas oo ay dhawr jeer oo horana ka cawdeen balse aan waxba looga qaban.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland






