Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uu sii wadayo Dagaallada

Cabirka Farta

Sabti, January 17, 2009(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu sii wadayo dagaallada ka socda Soomaaliya, uusanna dagaalkaas istaagi doonin ilaa saacadda qiyaamo.

U qeybsanaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in tan iyo inta Shareecada Islaamka looga xumayo Dalka Soomaaliya ay sii socon doonaan dagaallada ay ku jiraan, wuxuuna caddeeyay in ay ka soo horjeedaan dadka ku baaqaya in dagaallada la joojiyo.

“Waxaan maqleynaa dadka dhahaya dagaallada hala joojiyo, waxaana leenahay dadakaas waxay wadaan waxyaabo laga soo min-guuriyay Gaalada oo la mid ah Qoriga dhig, Qalinka Qaado”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen.

Shiikh Cali oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aysan ka hari doonin Ciidamada Itoobiya haddii ay ka baxeen Magaalada Muqdisho, sidoo kalena, wuxuu caddeeyay in ay la dagaallami doonaan Ciidamada kale ee shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Hadalka uu sii daayay U qeybsanaha Gobolka Banaadir ee Al-Shabaab ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo isu soo bax shalay ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium looga dhawaaqay in aaney jiri doonin dagaallo dambe oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho, isla markaana la wajahi doono wada hadallo ku saabsan aayo-ka-talinta Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia