Sabti, January 17, 2009(HOL): Shir uu yeeshay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa looga hadlay arrimo faro badan oo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqdhaqaaqyada lagu horumarinayo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, waxaana shirkaas shir guddoominayay guddoomiyaha xiriirka Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).
![]() |
| C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo loo magacaabay Tababaraha Xulka Qaranka K/Kolayga Soomaaliya |
C/qaadir Shiikha ayaa waxaa uu horay uga tirsanaa xulkii Qaranka Kubadda Koleyga dalka Soomaaliya xiligii dowladdii hore, waxaana markiisii hore uu ku soo caan baxay cayaaraha degmooyinka isagoo u soo saftay degmada C/Casiis intii u dhexeysay 1978-1979-kii.
Kadib sanadku markuu ahaa 1979 ayuu ku biiray Naadigii Badda oo uu u soo cayaarayay tan iyo 1990-kii, halka Xulka Qarankana uu u soo safanayay sanadihii u dhexeeyay 1983 ilaa iyo 1990-kii. Xiligaas oo wixii ka dambeeyay wuxuu u baqoolay dalka Dibaddiisa oo uu ilaa haatan ku nool yahay.
Sheekha waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1963-kii,waxaana uu nasiibku u saamaxay in uu noqdo tababaraha Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliya sanadkan 2009-ka isagoo badalay Alle h u naxariistee tababarihii hore ee Xulka Qaranka Kubada Kolayga Soomaaliyeed Cumar Anyeelo oo bishii la soo dhaafay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay dalka Ingiriiska.
![]() |
| Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis)oo qudheeda Ciyaartoy K/Kolayga ahayd |
Dhanka kalena Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga wuxuu La-Taliyaha Xiriirka u magacaabay Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis), kaasi oo isna loo dortay khibradda dheer ee uu u leeyahay Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Kolayga.
Qoraallada lagu magacaabay labadan mas’uul oo ka tirsanaa Ciyaartoydii Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

