Sabti, January 17, 2009(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay qaraar ku saabsan in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo Qaramada Midoobay ka socday loo diro Soomaaliya, inkastoo qorshaha arrintaas dib loo dhigay muddo dhowr bilood.
Qaraarkan ayaa waxaa muddo lix bilood loogu kordhiyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo dalalka Midowga Afrikana loogu baaqay in ay Ciidamo kale u diraan Soomaaliya, lana gaarsiiyo tirada hadda joogto oo ah 3,200 oo Askari 8,000 oo Askari.
Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Zalmay Khalilzad ayaa sheegay in Dowladdiisa oo qaraarkan soo gudbisay ay rumeysan tahay in uu jiro dhaqaad dhameystiran oo ku aadan in loo baahan yahay in Soomaaliya loo diro Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah.
Qaraarkan uu isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu dhigayaa in Ciidmada UN-ka ka socda ee loo dirayo Soomaaliya uu kaalinkooda noqon doono in ay kaliya ilaaliyaan Madaxda iyo Xarumaha Dowladda, Shaqaalaha UN-ka, sidoo kalena ay ka qeyb-qaataan fududeynta gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo dadka u baahan.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bilowdeen wada hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta waxaa arrinta Soomaaliya UN-ka la geeyay shan jeer ka badan, inkastoo ilaa iyo haatan aanu Golaha Ammaanka go’aamin in tallaabo deg deg ah la qaado si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia