Sabti, January 17, 2009(HOL): Guddoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo wareysi siiyay qalabka Warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay iska horimaad la sheegay in maalintii shalay Deegaanka Kala-beyr uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha iyo kuwii Maamulkii hore ee Gobollka oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa Deegaanka Kala-beyr.
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in iska hori-maadku ahaa mid socday daqiiqado kooban, waxaana uu intaas ku daray in markii ay Ciidamada Maxkamaduhu u tageen deegaanka Kala-beyr howlo ammaanka lagu sugayo kadib markii ay ka war heleen in ay halkaas baneeyeen Ciidamada Itoobiya ee Todobaadyadii la dhaafay ku sugnaa.
" Markii ay Ciidamadeenu halkaas gaareen ayeey la kulmeen Maleesho horay uga tirsanaan jirtay Maamulkii Dowladda ee Goballka Hiiraan, waxaana halkaas ku dhexmaray iska horimaad aan sidaas u sii xoog-badneyn, ilaa haddana ma jiro khasaare dhinaceena soo gaaray dabcan dhicoodase ma ogi" ayuu yiri Macow, oo intaas ku sii daray in inta uu ka warqabo Ciidamada Maxkamaduhu la wareegeen Qori (Dhashiike ah ) oo ay ka soo furteen gaari (Cabadi Bille ah) oo sida uu sheegay ciladeysnaa..
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow waxaa uu intaas ku daray in hadda xaaladdu degan tahay isla markaana Ciidamada Maxkamaduhu gacanta ku hayaan ammaanka deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan.
La wareegidda deeganka Kala-beyr ee Ciidamada Midowga Maxkamadaha ay timid kadib markii ay halkaas baneeyeen Ciidamado Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay halkaa ku sugnaa, waxaana halkaa ku dhamaaday lacagihii laga qaadi jiray gaadiidka isaga goosha Goballada dhexe ee dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ka hadlay iska horimaad shalay ku dhaxmaray deegaanka Kala-beyr Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwii Maamulkii hore ee Goballka
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo ku heshiiyay in ay Dowlad-Midnimo-Qaran ku dhistaan Jibouti
- Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uu sii wadayo Dagaallada
- Dadka Muqdisho oo looga digay in ay tagaan Fariisimihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Baardheere
- Shiikh Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde oo ka qeybgelaya Shir ka dhacaya Dalka Kuweyt
- Ibraahim iyo Ifraax Waa Dhaawac culus Xaaladdoodana Dalka Gudahiisa waxba waa looga qaban waayay (aan ka wada qeyb qaadanno caawintooda)
- Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga oo Xilal Isboorti u magacaabay C/qaadir Shiikha iyo Cusmaan Shiis
- Madaxwayne Faroole oo laga sugayo in uu soo dhiso Golihiisa Wasiirrada
- Xildhibaan Cabdi Cabdule Saciid {Jinni Boqor} oo isu sotaagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya