Madaxwayne Faroole oo laga sugayo in uu soo dhiso Golihiisa Wasiirrada

Cabirka Farta

Sabti, January 17, 2009(HOL): Madaxwaynaha Cusub ee DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo golihiisa xukuumadda, iyadoo dhaqdhaqaaqyo arintaasi ku aadan laga dareemayo magaalada Garowe ee caasimadda DGPL.
 
Magaalada Garowe  ee Caasimadda waxaa buux dhaafiyayay dadwayne aad u fara badan, kuwaasi oo qoorkood ah xil sugayaal, waxaana dhamaan buux dhaafay  Hoteellada iyo goobaha kale ee lagu nasto ee ku yaala caasimadda.
 
Xukuumadda Madaxwaynaha cusub ayaa lagu wadaa in ay xilal ka qabtaan beelo aan horay ugu mid ahayn xukuumaddii hore ee dhacday, waana taas midda kaliya ee sababtay in magaalada Garowe ay buux dhaafto.
 
Madaxwayne Faroole oo maalmo ka hor khudbad ka soo jeediyay xerada 54aad ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisa ay la imaan doonto is-badal dhab ah oo ku salaysan waxqabad dadwayne,waxaana hadalkaasi uu rajo badan ku abuuray beelo aan horay loogu darin xukuumadihii Puntland soo maray.
 
Inta badan xil sugayaasha ku sugan magaalada Garawe waxaa gadaal ka riixaya odayaal dhaqameedyo si ay jagooyin ugu helaan xukuumadda cusub, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in qaar ka mid ah xubnaha xukuumaddii hore ay xilal ka qaban doonaan xukuumadda cusub.
 
Maamulkan cusub ee u hormuudka ka yahay Madaxwayne C/raxmaan Faroole oo ilaa iyo hadda wada dadaallo uu ku kasbanayo shacabka Puntland ayaa arinta ugu weyn ee hortaal ay tahay in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaas,Somalia