Sabti, January 17, 2009(HOL): Sarkaal u hadlay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku takhasusay Miinada oo lagu magacaabo Cali Nuur Cumar ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho uga digay in ay ku degdegaan oo ay tagaan fariisimadii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.
Sarkaalkan waxaa uu sheegay in ay dhici karto in meelaha ay Ciidamada ka baxeen ama dagaallada ka dhaceen ay ku jiraan waxyaabo qarxa oo isugu jira madaafiic aan qarxin iyo weliba miinooyin.
Tan iyo inta laga hubinayo goobaha ay Ciidamada ka baxeen ayuu ku celceliyay Cali Nuur Cumar in ay dadka ka joogaan, wuxuuna caddeeyay in wax ka qabashada arrimahaas ay gacanta ku hayaan.
Afhayeenka Holwgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa isna ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwii horay uga barakacay ee ku soo noqonaya in aysan ku deg degin tegitaanka fariisimadii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen.
Shiikh C/raxiin waxaa uu ugu baaqay cid kasta oo aqoon u leh miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa in ay gacan ka geysato sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka goobihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalkan digniinta ah ee ay sii daayeen labadan mas’uul ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qarax waxyeello geystay uu shalay ka dhacay Xaafadda SOS ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo yaallay meel ay horay dagaallo uga dhaceen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia