
Talaado, 13 January 2009 (HOL): Caawimo ka kooban Qalab kuwa Cusbatallada ah iyo Dawooyin, ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku deeqeen Hay’ado ay ka mid yihiin Human Concern International iyo Somali Ottowa Community ee dalka Kanada.
Caawimadan oo lagu soo hagaajiyay Hay’adaha Horn Of Africa Charity Org. Iyo Al-Nahda Charity Society ee Somaliland, isla markaana ka kooban Qalab kuwa Cusbatallada ah oo isugu jira Sariiro, Mishiinno, Qaboojiyayaal, Koombuyuutarro iyo agab kale iyo sidoo kale Dawooyin, ayaa loogu talo galay in wax lagaga qabto baahiyaha Caafimaad ee jira.
 |
| Madaxa Hay’adda Horn of Africa Charity Organization (HACO) Sh. Maxamed Cali Geeddi |
Madaxa Hay’adda Horn of Africa Charity Organization (HACO) Sh. Maxamed Cali Geeddi oo ka hadlay Munaasibaddii wareejinta Agabkan iyo Dawooyinkan, ayaa caawimadan ku tilmaamay mid wax wayn ka tari doonta baahiyaha Caafimaad, waxaanu u mahad-naqay cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta caawimadan oo ay ugu horreeyaan Hay’adda Human Concern International iyo Ururka Soomaalida Ottowa ee Somali Ottowa Community. “Waxaan u mahad-naqayaa dadkii soo qaban-qaabiyay in laynagu soo caawiyo Qalabkan Cusbatallada iyo Dawooyin, kuwaas oo qiimahoodu gaadhayo $250,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah. Dadka qaarkood Qalabka iyo Dawooyinka ayay qayb ku lahaayeen, dadka qaarkoodna abaabulka iyo habaynta ayay lahaayeen, dhammaantoodna dadkii ka qayb galay hawshan waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu ka abaal-mariyo. Hase ahaatee, waxa dadka aanu sida gaarka ah ugu mahadnaqayno ka mid ah Hay’adda Human Concern International oo badankoodu Reer Canada ay yihiin, isla markaana ah Hay’ad Islaami ah oo Canada deggan, waxaana shaqada ugu badan soo qabtay Nin lagu magacaabo Mr. Garnayl. Waxa kale oo isna jira Nin lagu magacaabo David Smith oo reer Canada ah, kaas oo ah ninka Qalabka badankiisa soo ururiyay. Sidoo kale waxaanu u mahadnaqaynaa Masjidka wayn ee Abu-Hurayra oo ah Xarunta Islaami ah oo ku taala Toronto oo isna ka qayb qaatay iyo sidoo kale Ururka Somali Ottowa Community oo iyana qayb ka ahaa caawimadan. Dhinaca kale waxa iyana in loo mahadnaqo mudan Health Partners oo ku deeqay Dawooyinka. Waxa kale oo jira dad ku sugan Dubai oo iyana qayb ka ahaa isku soo dubba-ridka caawimadan.” Ayuu yidhi Maxamed Cali Geedi.
 |
| Hawl-wadeenka caawimadan u qaabilsan Jimciyadda Al-Nahda Charity Society -Khadar Aw-Xirsi Askari |
Madaxa Hay’adda HACO waxa uu sheegay in Caawimadan ay gaadhsiin doonaan goobihii loogu talo-galay ee u baahnaa. “Waxa farxad ah in dadku ay camalka khayriga ah isku guubaabiyaan oo ay ka qayb galaan, Anaguna xilka na saarani waxay tahay in aanu Qalabkan meelihii munaasibka ku ahaa ee u baahnaa aanu u qaybino oo aanu dhawaan bilaabaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Cali.
Dhinaca kale, Khadar Aw-Xirsi Askari oo ah Hawl-wadeenka caawimadan u qaabilsan Jimciyadda Al-Nahda Charity Society oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu xaqiijinaynaa in Qalabkaas iyo Dawooyinkaasi oo ahaa kuwo aad loogu baahhnaa ay na soo gaadheen, isla markaana waxaanu ballan-qaadaynaa in siday tahay aanu u gaadhsiino goobihii u baahnaa ee loogu talo-galay. Dhammaan dadkii gacanta ka geystayna aad baanu ugu mahad-naqaynaa.”
Maaha markii ugu horraysay ee caawimo noocan ah oo ka timi Jaaliyadda Soomaalida ee Kanada iyo Hay’adaha halkaa ka hawlgalaa ay soo gaadho Hargeysa, hase ahaatee, waxa jirtay caawimo Daawooyin ah oo hore ay u soo gaadhsiiyeen Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa.
.JPG)
.jpg)
.JPG)
.JPG)
.jpg)
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland