Shil Diyaaradeed oo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Talaado, January 13, 2009(HOL): Diyaaraddaan ayaa ka soo  ka soo duushay dalka Jabuuti ,waxaana markii ay ku soo dagi lahayd Garoonka Boosaaso u bixi waayay taayarrada.

Ma jirin wax dhaawac iyo dhamisho ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa diyaaradaasi, hayeeshee waxaa dadka qaar loola  cararay  isbitaalka si looga saaro naxdin ay ka qaadeen shilka diyaaradda ku yimid.

Ciidamada Airportiga iyo shaqaalaha ka hawlgala ayaa durbadiiba u gurmaday dadka diyaaraddaasi saarnaa  oo intooda badan ahaa dad waayeello oo ka yimid dalka Dibaddiisa, kuna socday Magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Daallo oo ay diyaaraddaan u raraynayd ayaa sheegay in Cilada ay ka timid taayaraka hore oo diyaaradda,balse ay wadaan dayactir ku aadan samaynta burburka diyaaradda soo garay

Wixii ku soo kordha Shilka Diyaaraddan ku yimid kala soco halkan haddii Alle idmo.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia