Xaflad lagu sagootinayo Ciidmada Itoobiya oo Muqdisho lagu qabtay

Cabirka Farta

Talaado, January 13, 2009(HOL): Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta waxaa lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ah ku sugnaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Xafladdan waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku xigeenkiisa Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Taliyayaasha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxa guddiyada Xabad-joojinta Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Xuseen Siyaad Qoor-gaab iyo Taliyayaha Ciidamnada Lugta ee Itoobiya Jen. Johannes iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo xafladda ka hadlay waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ah caawinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan dalkooda ku noqonayaan, wuxuuna sheegay in bixitaankooda uu la xiriiro heshiiskii Jibouti ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Madaxa Guddiyada Ammaanka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya soo galay iyadoo la is-khilaafsan yahay ay maanta baxayaan iyadoo heshiis la yahay, wuxuuna intaas ku daray in bixitaanka Ciidamada Itoobiya uu ka tarjumayo heshiiskii Jibouti.

Taliyaha Ciidamada Lugta Itoobiya Jen. Johannes ayaa isna sheegay in ay Soomaaliya ka baxayaan iyagoo fulinaya Heshiiskii Jibouti, wuxuuna soo dhaweeyay heshiiskii ay gareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in intii ay joogeen Soomaaliya  ay  dhiig badan u daadiyeen sidii ay u difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tababar darneyd.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa isna wuxuu sheegay in aaney jirin sabab ay u sii socdaan dagaalladii ka dhici jiray Soomaaliya mar haddii buu yiri uu is-casilay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ciidamada Itoobiyana ay baxayaan.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Amisom waxaa uu intaas ku daray in ay Amisom ahaan ay sugi doonaan ammaanka goobaha muhiim ah ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay sii wadi doonaan howlo kale oo ay ku caawinayaan Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

War la xiriira warkan:

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay fariimo ay ku lahaayeen Yaaqshiid iyo Huriwaa-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia