Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, January 13, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo hub culus la isugu adeegsaday ayaa wuxuu u dhaxeeyay Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada maamulka Degmada Kaaraan, wuxuuna socday muddo saacado ah.

Dagaalka ka dhacay Degmada Kaaraan oo ay yareyd khasaaraha uu ka geystay gudaha Degmadaas ayaa  madfac habow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan ku yaala Degmada Shibis waxaa uu sababay dhimashada 4 caruur ah iyo dhaawaca 6 kale, kuwaasi oo ay iska muuqato in ay waalidiintooda u soo dirsadeen in ay wax u bartaan.

Sida ay sheegeen Dad ku sugan Degmada Kaaraan oo aan la xiriirnay dagaalka ayaa ka bilowday meel jid-gooyo ah oo ay  ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Degmada Kaaraan, halkaasi oo ay ciidamada lacag aan sharci ahayn kaga qaadi jireen gaadiidka safarka ah iyo midka dhagaxa iyo ciidda qaada, waxaana jid-gooyadaas soo weeraray Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalkan ka dhacay Degmada Kaaraan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay socdaan dadaallo xal loogu raadinayo dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Sidoo kalena, Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo ay bixitaan bilaabeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ka badan ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo taageeri jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray ka bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho-na waxay sheegayaan in caawa ay safar ku sii yihiin Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo maanta saraakiishooda sare xaflad sagootin ah loogu sameeyay guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia