Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo magaacabay Agaasimaha Madaxtooyada iyo kulan lagu sagootinayo Xukuumadii hore oo ka dhacay Garowe

Cabirka Farta

Talaado, January 13, 2009(HOL): Madaxwaynaha cusub ee DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole  ayaa magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada kadib digreeto uu ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Garowe ee caasimadda DGPL.

Waxaa xilkaan loo magacaabay Cali Barre Jaamac Gibin, waana xilkii labaad oo uu madaxwaynahu magacaabo tan iyo intii uu xilka kala wareegay madaxwaynihi hore ee Puntladnd, iyadoo magaacaabidaan ay ka qayb ka tahay soo dhisidda golaha xukuumaddiisa ee cusub.

Cali Barre oo ay saxaafadda waydiisay sida uu arko xilkaan loo magacaabay ayaa sheegay in u  adeegi doono danaha umadda Soomaaliyeed,I sagoo ka codsaday xukuumaddii hore in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Dhinaca kale  kulan lagu sagootinayo xukuumaddii hore ayaa ka dhacay magaalada Garowe, iyadoo ay ka qaybgaleen Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa iyo qaar ka md ah isimada DGPL.

Waxaa inta badan kulankaasi lagu soo hadal qaaday in ay wada shaqeeyaan xukuumadii hore iyo tan cusub, iyadoo diiradda lagu soo  saaray sidii loo celin lahaa gobolada Puntland ka maqan gaar ahaan gobolka Sool oo uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland.

Ugu danbeyntiina maamulka cusub ee uu hormuud ka yahay Madaxweyne Faroole ayaa durbadiiba bilaabay kulamo uu la qaadanayo qaar ka tirsan xukuumaddii hore ,waxaase  shacabka Puntland ay is-weydiinayaan in la soo celin doono gobollada Puntland ka maqan mar haddii xukuumadi hore ay dhacday.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia