Talaado, January 13, 2009(HOL): Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa Wasiiradii ugu muddada dheeraa ee Xilka Wasiirnimo ka soo qabtay Somaliland Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu yahay Murashax u tartamaya Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga talada Somaliland haya ee UDUB.
Cabdilaahi-Darawal oo dhawaan iska casilay Xilka Wasiino ayaa Shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay in uu u taagan yahay Murashaxnimada Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga UDUB uga qaygalaya Doorashada Madaxweynenimo ee la qorsheeyay inay Somaliland ka qabsoonto 29-ka bisha March ee sanadkan.
Hadalka ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland ayaa ku soo beegmay waqti ay dhawaanahan soo baxayeen Warar sheegaya Murashaxnimadiisa Madaxweynenimo ee UDUB dhexdiisa. Iyada oo aan wali la cayimin waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Shirweynihii Xisbiga UDUB oo aan ilaa hadda la qaban, ayaa Cabdilaahi-Darawal waxa uu shaaca ka qaaday damaciisa Siyaasadeed ee inuu u tartamo Murashaxa Jagada Madaxweynenimo.
Waa markii u horraysay ee Xubin ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ku dhawaaqo inuu isu taagayo Murashaxnimada Jagada Madaxweynenimo, isaga oo Axmed Maxamed Jawhari oo ka tirsan Xisbigani uu hore ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay Murashaxnimada Jagada Madaxweyne-ku-xigeennimo ee Xisbiga UDUB dhexiisa.
Dhawaaqyadan isa soo taraya ee loollanka Murashaxnimo ee Xisbiga UDUB ayaa ku soo beegmay waqti la-hadal-hayo cidda buuxin doonta Jagadii Xoghayaha guud ee uu toddobaadkii hore ka geeriyooday Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale oo ahaa Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB, kaas oo xanuun kedis ah oo haleelay awgii ugu geeriyooday dalka Jabuuti oo dawayn loo geeyay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland