Al-Shabaab oo sheegtay Qarax Is-miidaamin oo lagu qaaday Ciidamada Amisom ee ku sugan Xarunta Jaamacaddii Umaddda ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, February 22, 2009(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay qarax is-miidaamin ah oo saaka lagu qaaday Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Xarunta Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in qaraxaas ay fuliyeen sida uu u yiri labo shahiid oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

“Qaraxyada oo labo ahaa waxaa fuliyay labo Shahiid oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaan midka hore fuliyay Axmed Shiikh-doon Wehliye oo ku hubeysnaa Jaakad waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, wuxuuna galay meel kaniisad macmal ah oo ay ciidamada gaalada Axad ah ku caabudi jireen sanamyo, waxaana soo gaaray khasaare weyn”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo ka hadlayay Shir jaraa’id oo uu hawada ku qabtay waxaa uu sheegay in qaraxa labaad uu geystay Mursal C/nuur Maxamed Cali (Shigshigow) oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, wuxuuna sheegay in gaarigaas uu qaraxay kadib markii ay Ciidamada ka soo carareen qaraxii koowaad.

Laakin Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo ka hadlay qaraxa lala beegsaday Ciidamadooda uu ahaa mid is-miidaamin ah iyo mid madaafiic loo adeegsaday, wuxuuna sheegay in qaraxaas uusan wax khasaare ah ka soo gaarin Ciidamadooda.

Major Bridgye Bo-huko waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas loola dan lahaa in lagu wiiqo joogitaankooda Muqdisho, wuxuuse sheegay in aysan taasi waxba ka bedeli karin howlgalka nabad ilaalinta ah ee ay u joogaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia