Nin Pakistan u dhashay oo lagu afduubtay degmada Laag ee Gobolka Bari

Cabirka Farta

Axad, February 22, 2009(HOL): Kooxo dabley hubaysan ah ayaa maanta barqanimadii deegaanka Laag afduub ugu geystay nin ajnabi ah oo sida la sheegay u dhashay dalka Pakistan xili uu halkaasi booqosho ku marayay.
 
Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ay saxaafadda siyaabo kala duwan ula xiriiray ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii afduubkaasi gaystay.
 
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan lala aaday buuraha gobolka Bari, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa afduubkiisa.
 
Dadka degmada Laag oo ah halka ninkani lagu af-duubtay ayaa tilmaamay in ninka ajnabiga ah la saaray gaari nooca Surfta ah deetana loola cararay Buuraha Gobolka Bari, waxaana af-duubka ninkaasi laga hadal hayaa gudaha magaalada Boosaaso.
 
Ninka la af-duubay ayaa la sheegay in uu ahaa khabiir dhinaca beeraha ah, waxaana uu hawlo shaqo maalmo ka hor u soo gaaray magaalada Boosaaso sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw ninkan ajnabiga ah.
 
Waa ruuxii ugu horeeyay oo la af-duubto tan iyo intii maamulka cusub uu la wareegay talada Puntland,waxaana magaalada Boosaaso ka soconayay dadaallo loogu jiro sidii dib uu xoriyaddiisa u heli lahaa ninkan ajnabiga ah.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia