Axad, February 22, 2009(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
375 Mudane oo xalay ka soo xaadirtay Kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Guriga Umadda ayaa 357 Mudane oo ka mid ah waxay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub, 16 mudane waa ay u diideen codka kalsoonida, 2 mudane oo kalena waa ay ka aamuseen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo kulankaas shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada cod-bixinta, wuxuuna sheegay in ay ansax tahay Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo ka koobneyd 36 Wasaaradood.
Wasiir ku xigeennada Wasaaradahaas ayaa lagu magacaabi doonaa Magaalada Muqdisho kadib marka ay Dowladda Midnimada Qaran u soo guurto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidaasi waxaa HOL u xaqiijiyay ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Xukuumaddan la siiyay codka kalsoonida ayaa Wasiirradeeda ugu muhiimsan waxaa ku soo baxay Xubno ka tirsanaa Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana Wasiirradaas ka mid ah Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isku ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Maaliyadda, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo isku ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga, Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Col. Cumar Xaashi oo ah Wasiirka Amniga Qaranka, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow oo ah Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Wasiirro kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia