Wasiirro ka tirsan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo is-casilay kadib markii ay culeysyo uga yimaadeen Beelahooda

Cabirka Farta

Axad, February 22, 2009(HOL): Labo Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii loo magacaabay, waxayna is-casilaaddooda ku sababeeyeen culeysyo uga yimid dhinaca Beelahooda.

C/Waaxid Cilmi Goon-jeex oo isku ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Jibouti waxaa uu kaga dhawaaqay in uu xilkaas iska casilay, wuxuuna sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii ay beeshiisa u soo jeedisay.

“Beesha aan ka soo jeedo ee Sade waa u cuntami weysay qeybta aan ka helnay Xukuumadda cusub, waxayna u arkeen in aan wasiir kaliya ku yeelanno  Xukuumadda la soo dhisay cadaalad darro”ayuu yiri C/waaxid Cilmi Goon-jeex oo sheegay in uu shakhsi ahaan ku qanacsanaa xilka loo magacaabay.

Sidoo kale waxaa isna is-casilay C/llaahi Axmed Cabdulle Azhari oo ku magacawnaa Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda, wuxuuna sidoo kale sheegay in xilkaas uusan u cuntamin beesha uu ka soo jeedo ee Leel-kase, sidaas darteedna uu isaga casilay xilkii loo magacaabay.

Xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Leel-kase ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Djibouti waxay ku sheegeen in sababta ay xilkaas u diideen ay tahay iyadoo seddex jeer la bedelay Wasaaradda beeshaas ku soo aaday, ugu dambeyntiina la siiyay Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ay beelahan cabanaya ku eedeeyeen in ay xuquuqdooda duudsiiyeen, isla markaana ay beelo gaar ah u badiyeen Wasaaradihii Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia