Axad, February 22, 2009(HOL): Qarax Is-maadaamin ah ayaa saaka waxaa lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee ku jira Xarunta Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna uu fuliyay qof naftiisa huray.
Qofka qaraxa geystay ayaa wuxuu kaxeynayay gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay, waxayna dad ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha qaraxaas ka soo gaaray Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ee fariisinka ku leh Xaruntii Jaamacadda, sidoo kalena ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Afhayeenka Ciidamada Amisom oo qaraxn ku saabsan.
Waa markii labaad oo qarax lala beegsado Ciidamada AMISOM ee ku sugan Xarunta Jaamacaddii Umadda, waxayna ahayd sanadkii hore mar sidan oo kale loola beegsaday qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof naftiisa huray.
Xoogag Islaamiyiin ah oo ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ka soo horjeeda Siyaasadaha Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeeye ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerari doonaan fariisimada ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia