Goballka Hiiraan oo laga soo dhaweeyay dhismaha Xukuumada Cusub ee Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, February 22, 2009(HOL): Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dhismaha Xumuumadda cusub ee uu soo badhigay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, isla markaana Baarlamaanku Ansixiyay.

Odayaasha Dhaqanka, Aqoon-yannada, iyo qeybaha Bulshada ku dhaqan Goballka ayaa  waxaa ay sheegeen in Dowladda cusub ay tahay mid ku saleysan qaabka 4.5, iyagoo intaas raaciyay in Wasaaradaha intooda badan loo dhiibay shakhsiyaad karti iyo awood intaba u leh in ay ka soo baxaan howlaha loo xil saaaray, inkastoo haddana aan meesha laga saarin in ay jiraan meelaha qaar oo ay Xumuumadda dhaliilo ka leedahay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayay ugu baaqeen Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahannada Goballka Hiiraan in ay saxaan haddii ay jiraan dhaliilo hoos beeluhu u tabayaan halka dhinaca beelahana ugu baaqeen in ay u arkaan Xukuumadda mid ku soo beegantay waqti adag oo loo baahan yahay in dadka oo dhan la wada qanciyo.

Inkastoo Goballka Hiiraan laga soo dhaweeyay dhismaha Xukuumadda cusub ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in  Degmadda Caabud-waaq ee Goballka Gal-gaduud iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Xukuumadda la soo dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia