Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay, saacadaha soo socdana ku dhawaaqaya Ra’iisal Wasaare

Cabirka Farta

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Talaado, February 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu ka amba baxay magaalada Muqdisho oo uu dhowr maalmood ku sugnaa, wuxuuna aaday Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

Madaxweyne Shariif ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia, wuxuuna shirkiisaas jaraa’id uga hadlay arrimo ku saabsan waxyaabihii uu Muqdisho u yimid iyo wixii u qabsoomay intii uu ku sugnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in sababtii ay Muqdisho u yimaadeen ay ahayd in ay kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay la kulmeen Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Ururrada Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Madaxda Xoogagga Muqaawamada.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha in uu jiray kulan uu la yeeshay madaxda xoogagga mucaaradsan Dowladdiisa, wuxuuna sheegay in ay jiraan xiriirro toos ah iyo kuwo aan toos ahayn, wuxuuna carrabka ku dhuftay in  ay xiriirradaas meel wanaagsan marayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynaha in waxyaabihii u qabsoomay intii uu Muqdisho ku sugnaa ay ka mid ahaayeen in la sameeyay Guddi Heer Qaran ah oo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona sugidda ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka uu tago Dalka Jibouti waxaa uu halkaas ka sii wadi doonaa wada tashiyo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo, kaasi oo la filayo in uu ku dhawaaqo saacadaha soo socda.

Kadib marka uu Madaxweynaha soo magacaabo Ra’iisal Wasaarahiisa waxaa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan inta badan xubnaheeda  ay ku sugan yihiin Magaalada Djibouti  u soo guuri doontaa Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku shaqeyn doonto inta ka harsan waqtigeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia