Talaado, February 10, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa cafis u fidiyay 67 Maxbuus oo ku jiray jeelka wayn ee magaalada Boosaaso, kuwaasi oo danbiyo kala duwan ku eedaysnaa.
Maxaabiista la cafiyay waxaa ku jiray labo dumar ah oo midkood ay xirnayd muddo labo sano ku dhaw, waana dufcadii labaad ee uu madaxwaynaha DGPL cafiyo tan iyo intii uu soo gaaray magaalada Boosaaso.
Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyay maxaabiista ayaa kula dar daarmay in aysan mar kale u noqon danbiyadii horay loogu soo qabtay ,isagoo min hal milyan oo shilinka soomaali ah siiyay maxaabiistii la sii daayay,waxaana xabsiga dhexdiisa uu ku magacaabay wacyi galiyaha xabsiyada DGPL ku yaala.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta DGPl Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse oo ka hadlay goobta cafinta ayaa sheegay in loo baahinyay in la ballaariyo xabsiga ,waxaana la sheegay in la sii daayay maxaabiista ka dib markii loo waayay meel lagu hayo.
Maxaabiista la sii daayay waxaa ku jiray kuwa ku eedaysnaa Burcadnimo sida baarashada dadka ku sugan magaalada Boosaaso xiliga habeenkii ah ,iyagoo qaarkood laga keenay magaalooyin ka baxsan magaalada Boosaaso.
Cafiska uu madaxwaynaha u fidiyay maxaabiista ayaa ku soo aadaysa ,iyadoo magaalada Boosaaso ay baryihii u danbaysay ku soo badanayeen Burcadda habeenkii mobilada ka furata iyo kuwa micna la,aanta dadka ku dila.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia
Madaxwaynaha Puntland oo cafis u fidiyay 67 Maxbuus oo ku jiray xabsiga Magaalada Boosaaso
Cabirka Farta
More News
- Minnesota: Xafladii soo dhaweynta ee lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay, saacadaha soo socdana ku dhawaaqaya Ra’iisal Wasaare
- Midowga Afrika oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Soomaaliya
- Saraakiil ka tirsan UN-ka oo sheegay in Magaalada Beledweyne ay ammaan tahay, lagana hirgelinayo howlaha samafalka iyo adeegyada Bulshada
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka warbixiyay kulan ay la yeesheen Madaxda Xisbul Islaam
- Xaflad lagu taageerayo Dowladda cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar