Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka warbixiyay kulan ay la yeesheen Madaxda Xisbul Islaam

Cabirka Farta

Talaado, February 10, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kulamo kula qaatay magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta Xisbi la magac baxay Xisbul Islaam oo ay dhawaan ku midoobeen afar kooxood oo ka tirsan kooxaha ka dagaallama Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo ay wada kulmeen ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan iyo dowladda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya.

“Ragga aan la kulannay waxay noo sheegeen in aaney jirin dhibaato gooni ah oo ay dalka la damacsan yihiin, laakin ay rabaan in ay ay dalka ka baxaan Ciidamada shisheeye, sidoo kalena dastuurka dowladda la doonayo in ay dalka ka taliso uu noqdo shareecada Islaamka”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in hadalka ay u sii jeediyeen madaxda Xisbul Islaam uu yahay mid ay iyagu horay u qabeen, xitaana ay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ay kulan la qaateen.

“In ay Ciidamada Shisheeye dalka ka baxaan, kuwo kale oo hor lehna aan la keenin  iyo in Shareecada Islaamka Dalka lagu xukumo waxay ahayd wixii aan annaguba qabnay, waana soo dhaweynay mowqifka ay la yimaadeen madaxda Xisbul Islaam”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo dhawaan kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxay sheegeen in ay dhexdhexaadinayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo dhinacyada hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia